Saameynta Manhajka Qarsoon uu ku yeesho waxbarashada caruurta iyo hab-dhaqankooda

Manhajku waa aqoon iyo khibrad la habeeyey islamarkaana loogu talo galay in ardeygu uu ka barto khibrad taasi oo bixinteeda iyo maamulideeda iskuulku masuul ka yahay. Si kooban hadaan u sheegno Manhajku waa hab loo maamulo aqoonta iyo khibrad la siinayo ardeyga.

Iyadoo uu jiro manhaj iskuulka looga talo galay inuu ardeygu ka barto (Offficial Curriculum) ayaa hadana waxaa jirta in ardeygu uu barto wax la yidhaahdo manhajka qarsoon (hidden Curriculum) kaasi oo ah dhaqamo ay bulshadu inta badan leedahay kaasi oo caruurtu ka barato Guriga ama iskuulka si aan talo gal ahayn ( not official Curriculum) manhajka qarsoon ee ilmuhu ka barto bulshada waxaa uu noqon karaa mid

waakan sawirka

ilmaha ka dhiga mid masuul ah, iskaashi ogol, tix galiya dadka islamarkaana ah mid hadalkiisu dadka soo jiito lakiin dhinaca kala hadaan ka eegno waxaa uu ilmuhu bulshada ka baran karaa ha ahaato guriga ama iskuulka inuu noqdo Danayste, Qabyaaladiste, Muqayil, Caajis iyo mid wax burburiya oo aan wax dhisin. Dhamaan sifooyinka aan ka hadlaynaa waxay xidhiidh dhow la leeyihiin akhlaaqiyaadka bulshada ilmuhu ku dhex korey si kale hadaan u dhigno manhajka qarsoon ee ilmuhu bulshada uu ka bartaa waxaa uu noqon karaa mid wax burburiya ama mid wax dhisa taasi waxay ku xidhan tahay qaabka bulshada ilmuhu ku dhex jiraa u dhaqmayso ha ahaato guriga ama iskuulka.

Dabeecad ahaan caruurta yar yari waxay wax ka bartaan bulshadooda marka ay dhex galaan ha ahaato saaxiibadood ama macalimiintoodaba.

Run ahaantii waxaa fiican in macalimiinta wax u dhigeysa ardeydu ay tusaale fiican u noqdaan ( Good Role Model) tusaale ahaan waa in macalinku noqdaa mid hadalkiisu wanaagsanyahay, taageera ardeyga, Naftiisa ka adag islamarkaana tix galin iyo naxariis u muujiya ardeyga.

Hab-dhaqanka wanaagsan ee macalinku muujiyaa waxay saamayn weyn oo wanaagsan ku yeelataa ardeyga islamarkaana ilmuhu waxaa uu qaata dhaqankaa wanaagsan isagoo ku dayanaya waxaanu fahmaa asaasiyan waxaa uu dhaqanka wanaagsani yahay. Qaadashada dhaqanka wanaagsan uu ilmuhu ka qaato macalinka ama qaybaha kale ee bulshada waxay ilmaha ka caawisaa inuu helo tuul iyo xirfad dhinaca wanaagsan ah taasi oo uu ka xaliyo haddii dhib mustaqbalka ka hor yimaado.

Hadaan u soo dagno bulshadeena nasiib daro waxaa ku badan manhajka qarsoon oo aan wanaagsanayn ee uu ilmuhu umadda ka baranayo ha ahaado macalinka, waalid iyo saaxiibadiiba oo inta badan keena saameyn aan wanaagsanayn gaar ahaan waxaan xusi lahaa iskuulka ha ahaadaan qaar gaar loo leeyahay ama qaar dawli ah. Waxaad arkaysaa caruur badan oo edeb daro badan kaga dayanaya asxaabtooda ama macalimiintoodaba tusaale ahaan macalinka qayila ee ardeydu arkayso isagoo xafiiska qaadkii soo dhigtay xiisadana soo galaya ardeygu waxaa uu u qaadanayaa in qaadku uu yahay mid ka mid ah quutal daruuriga la cuno fikirkaa khaldan oo isna si fudud ugu fidi kara bulshada madaamo ciyaalkii iskuuku badan yihiin iskuna daydaan.

Dhinaca kale caayitaanka caruurta iyo in lala dagaalamaa waxay keenaysaa in uu u qaato cayda dadka mid iska caadi ah oo ay dabeecad ka noqoto inuu dadka caayo. cilmi baadhiso fara badan ayaa lagu ogaaday in ilmuhu boqolkiiba sideetan in ka badan uu qaato hab dhaqanka lagu soo ababiyo (6-13 Yrs) ha ahaato guriga ama iskuulkaba. Caruurta xataa marka ay da’doodu aadka u yartahay ee aanay iskuulka gaadhin waxay bartaan waxaa ka jira guriga ee dhaqan xumo ah ama dhaqan wanaagsan waxay saamayn ku yeelataa korniinkooda.

Markaa si dhab ah u eegno waxaad mooda inaanay bulshadeenu fahamsanayn manhajka qarsoon ee ilmuhu ka baranayo bulshada ha ahaato Guriga ama iskuulka waxaad arkaysaa waalidiin caruurta ku ag sheekaysanaya oo ka hadlaya wax yaalo laga yaabo inay ilamaha edebka ka xumeeyaan dhinaca kalana macalimiintu iskuma haystaan in ay ardeydooda u yihiin ku dayasho (Role Model) oo ardeygu eegayo hab dhaqanka macalinka haddii uu dhaqankiisu wanaagsanyahayna uu ku dayanayo haddii uu xumyahayna uu ku dayanayo markaa waxaa loo baahanyahay in macalimiintu ay fahmaan in ardeygu inta uu iskuuulka joogo uu Macalinka ku dayanayo islamarkaana uu wanaajiyo dhaqanka ha ahaato qaabka uu u hadlayo iyo ficiladiisa oo dhan.

Waalidiinta qaar ayaa caruurtooda u dira iskuulo kala duwan iyagoo uga jeeda kobcinta waxbarashooda laakiin waxaad ogaataa inuu midba dhaqan ka soo baranayo ha xumaado ama ha samaado waxaanu qaadanaya manhajkii qarsoona waxaana loo baahanyahay inaad fahamto meesha aad ilamahaaga u direyso waxaa ka jira akhlaaqiyan.

Areygu markaa uu guriga joogo waxaa uu ku daydaa waalidka oo uu ah ( Role Model) ama cida kale ee guriga joogta waxaanu sameeya waxay samaynayaan waxaa uu u hadlaa sida ay u hadlayaan waxaanu koobiyeeyaa wax kasta oo uu ku arko waalidka.

Waxaa muhiim ah in waalidku sidaa u fahmo islamarkaana uu si fiican u dhaqmo si ilmihiisu ugu daydo haddii uu arko waalidka oo dadka tix galinaya isna wuu tix galinayaa hadii uu arko waalidka oo dadka caayaya isna wuu caayayaa dadka.

Toosnaanta waalidka waxay saamayn ku leedahay ilamaha haddii aad doonayso in ilmuhu dadka ku yidhaahdo Mahadsanid adigu marka hore ku dheh” Mahadsanid” kuna amaan waxaa uu qabto amaantu iyo mahadsanid waxay xoojisa hababka tilmaanta wanaagsan ee ilmaha loo hago.

Markaa aad ilmahaaga uga mahad celinayso waxaa uu wanaajieyey u sheeg tusaale ahaan ha ku odhan “ Mahadsanid” oo qudha ee waxaad ku tidhaahdaa waad ku mahadsantay koofiyada aad ii soo qaaday.

Tilmaanta wanaagsan ee ilmaha si degan oo ixtiraam leh loo tilmaama waxay meesha ka saarta hab-dhaqanka xun ee mararka qaar caruurtu samayso. Isticmaalka kalmadaha iyo nooca kalmada aad u xulato marka aad ilmaha ka joojinayso edeb daro ayaa qayb ka ah xalka tusaale ahaan iyama wanaagsan inaad ilmahaaga ku tidhaahdo “ caruurta ha la dagaalamin” iyo inaad ku tidhaahdo “ caruurta si fiican ula ciyaar” waxaa aad u fiican isticmaalka kalmada danbe waxaana laga yaaba inaanu dagaal xasuusan sida kalamda hore ka muuqata.

Guntii iyo gaba-gabadii waxaa fiican in waalidiinta iyo macalimiinta iyo ehelka guryaha jooga ay fahmaan inuu jiro manhaj qarsoon oo caruurtu ka barato bulshada haddii uu wanaagsanyahay hab-dhaqankaaas bulshadu ilmuhu waa uu qaadanaya haddii uu xun yahayna waa uu qaadanaya waayo ma shaandhayn karo waxaanad ogaataa waalid iyo macalin in ilamaha yare ee aad masuulka ka tahay uu qaadanayo dhaqankaaga islamarkaana waxaa aad ka taxadirtaa in aanad akhlaaq xumo ku hor sameyn ilmaha waayo maskaxda ilmuhu waxay duubtaa wax kasta oo ay sameeyaan dadka ay meel wada joogaan waanay kaydisaa islamarkaan waxaa ay xubnaha ilmuhu u rogaan ficil ahaan.

Mahadsanid

Mohamoud Dahir Omar

Education Analyst

Mobile: 0634423327

Hargeisa, Somaliland