Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Cusbitaalka Hargeysa Ku Booqday Dadkii Ku Dhaawacmay Dagaalkii Dharkayn-geenyo

(SLT-Hargeysa)-Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ay weheliyaan saraakiil sar sare oo ka tirsan xisbigaasi ayaa waxaa ay maanta cisbitalka Guud ee magaalada Hargeysa ku  booqdeen dadkii ku dhawaacmey dagaalka Dharkeyn Geeyo ee Gobalka Sool.

 

7-14

Dadkan oo dhawaan  la keenay cusbitalka magaalada hargeysa ayaa waxaa uu gudoomiyuhu mid mid u dul istaagay dadkii dhaawaca ahaa waxaana uu ka wareystay xaalidooda caafimaad  ee Iminka isaga oo alleh uga baryey in uu caafimaad taam ah siiyo isla markaana kula dar daarmay in marka ay bogsadaan aanay  dib u istaadhin coladaas oo had ay xukuumadu gacanta ku hayso xalinteeda

Gudoomiyaha oo markii uu dadkaasi dhawaaca ah soo booqday waxaa uu afaafka hore ee waadhka ay yaalan dhawacu uu kula hadley warbaahinta waxana uu dadkaasi  halkaasi ku dagaalmaaya ugu baaqay in ay   dagaalka joojiyaan isla markana ay qaatan  qodobada laga soo saaro xalinta dagaalkaasi isaga oona ugu baaqay inay arinka ka dhaxeeya labada beeloodba ay kusoo dabaalaan sansaan nabadeed waxaana uu yidhi

“Waxaanu maanta cisbitalka ku soo booqanay dad shacib ah oo rer Somaliland ah oo ka soo jeeda deegaamada Dharkeyn Geeyo ee gobalka Sool deegankaas  oo dad shacab ahi oo xoolo dhaqato  u badani ay isku laayeen , Dagaalka wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho waxaanu ugu baaqeynaa wax garada deegankaas in nabada laga shaqeeyo oo walal nimada la soo celiyo  iyo wada noolashaha la soo celiyo .Waxaan Alleh ka baryayaa intii inaga dhimatey in alleh SWT u naxariisto waxaa inaga dhintay 50 ku dhawaad oo maanta aan dib inoogu soo noqanen,  dad baa ku dhawaacmey waxaan alleh uga baryayaa in alleh caafimaad siiyo dadka  Somaliland dhamaantood waxaan ugu baaqayaa in laga wada shaqeeyo sidii halkaasi nabad waarta looga dhalin lahaa , xukuumadana waxaan leeyahay  waa in ay doorkeedii xasilinta nabad galyada ay gudato ” ayuu yidhi Gudoomiye Ciro

Si kasteba ha ahaatee dadka ku dhaawacmay shaqaaqada mudooyinkii u danbeeyeyba ka taagnayd deegaanka dharkayn geenyo iyo deegaano hoosyimada ayaa waxa dhaawacadooda la kenay cusbitaalka wayn ee maagaalada hargeysa iyaga oo xaaladooda lagula tacaalayo halkaasi.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office

Contact@somalilandtoday.com