Haweenay Aan Xiskeedu Dhamayn Oo La Baafinayo

Haweeney xiskeeda xagga maskaxda dhiman yahay ayaa muddooyinkan ugu danbeeyey lagu hayey magaalada Ceerigaabo kaddib markii laga qabtay iyadoo lugaynaysa degaannada soolasha miyiga jahada bari ka xiga magaalada Ceerigaabo. Sheekh-Siciid Axmed Xaashi oo culimada magaalada Ceerigaabo ka mid ah islamarkaasna deggan guriga haweeneydan xiskeedu dhiman yahay oo aannu booqannay ayaa isagoo ka warramaya haweeneydan wuxu yidhi “Gabadhan xanuunsanaysa oo muddo ku dhow laba bilood aannu halkan ku hayney markii horena dad muslimiin ahi kazoo qabteen miyi fog oo bariga Ceerigaabo ah hadalkeeduna kolley dadka Burco ilaa Hargeysa u eg yahay Waxannu cid kastoo aragta baafintan ugu baaqaynaa inay ugu soo hagaagaan Ceerigaabo”. Sheikh-Xuseen Jalibaax iyo Sheekh-Cali Dhiillood Cabdi oo ka mid ah Culimada guddida Tabarrucaadka iyo Taakulaynta Masaakiinta gobolka Sanaag oo iyaguna goobta ku sugnaa ayaa iyaguna dhinocooda cid kastoo muuqaalkan/baafintan aragta waxay ugu baaqeen in laga taakuleeyo duruufaha shakhsiyeed ee ku gedaaman haweeneydan oo ay ugu weyn yihiin sidii ehelkeedii loola raadin lahaa iyo sidii baahida ay qabto looga taageeri lahaa Iyadoo wixii faahfaahin dheeraad ahna lagala soo xidhiidhayo telefoonnadan kala ah (00 252 634325420/00 252 907776254/00 252 907722355/00 252 634475343). Dhinaca kalena haweeneydan oo wejigeeda laga daalacan karo diifta iyo diihaalka dhibta badan ee ay soo martay iyo duruufaha baahiyeed ee ay la deriska tahay ayaanay haddana xiskeeda xagga maskaxda ee dhiman awgeed si sax ah u sheegi karayn Magaceeda iyo meesha ay ka timid iyo Eheladeeda iwm toonna. download